Saylici oo is-dhiibay kadib loolaankii isaga iyo Saajin

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey inuu gebi ahaanba ka hadhay tartankii adkaa ee xiisada xoogan ka abuuray gudaha Somaliland.

Cabdiraxmaan Saylici ayaa tanaasul lama filaan ah ka muujiyey tartankii uu kula jiray Wasiirkiisa ganacsiga, Maxamed Saajin, oo ay isku deegaan-yihiin, isla markaana loolan ugu jireen kursiga afraad ee hogaanka xisbiga Kulmiye.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, go’aanka Saylici ayaa waxa dabada ka riixaya madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi oo hore u sheegay inuusan wax faro-gelin ah ku sameyn doonin loolanka u dhaxeeya Saylici iyo Saajin, oo ka wada tirsan xukuumadiisa.

Go’aanka tanaasulka ee Saylici ayaa waxa goordhoweyd warbaahinta la wadaagay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin.

Saylici iyo Saajin ayaa si weyn ugu xifaaltamayey tartanka kursiga afraad ee hogaanka xisbiga talada haya ee Kulmiye, xili uu dhawaan dhacayo shirweynaha golaha dhexe ee xisbigaasi.

Xiisada labada mas’uul ayaa abuurtay xiisad hor leh oo maalmihii u dambeeyay laga dareemayay gobolada Maroodi-jeex iyo Awdal, iyaga oo warbaahintana isku marinayay hadalo xanaf leh oo sii kala irdheynayay bulshada ay matalaan.

Go’aankan ayaa noqonaya mid lama filaan ah oo xal u noqonaya xiisadii taagneyd, xili laga cabsi qabay in khilaaf hor leh uu ka dhex qarxo xisbiga Kulmiye oo ah midka hadda talada haya.