Maxaa ka run ah ciidanka cusub ee la sheegay inay kusoo biireen DAGAALKA Azerbaijan iyo Armenia?

Baku (Caasimada Online) – Dagaalka u dhaxeeya dalalka Azerbaijan iyo Armenia ayaa waxa kusoo biiray boqolaal ka tirsan maleeshiyaadka mucaaridka Suuriya oo laga diray dalka Turkiga, sida uu baahiyey hogaamiye ka tirsan mucaaridka Suuriya.

Maleeshiyaadkaasi ayaa lagu soo waramayaa in laga soo diray dalka Turkiga, ayaa waxay gacan weyn siin doona ciidamada Azerbaijan ee dagaalka kula jira Armenia.

Ziad Hajj Obeid, oo kamid ah taliyaasha xooga mucaaridka Suuriya ee uu Turkigu taageero, ayaa arrintaasi sheegay xili uu wareysi gaar siinayey telefashinka Rudaw TV ee gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq.

Arrinta Ciidamada ee uu shaaciyey Zaid ayaa gebi ahaanba ka gows adeygay qirashadeeda dalalka Turkiga iyo Azerbaijan.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee kormeerta dagaalka sokeeye ee Suuriya ayaa sidoo kale maalintii talaadadii sheegtay in ciidan ka badan saddex boqol lagu daabulay Azerbaijan, oo lagu tiriyo in muddo badan xulafo la aheyd Turkiga.  

Xiisada dagaal ee ka dhex oogan Azerbaijan iyo Armenia ayaa maanta galay maalintii Afaraad, xili ay wararku sheegayaan inay ku dhinteen ku dhawaad boqol qof oo ay ku jiraan dad shacab ah.

Dagaalka labada waddan ayaa ku qotoma muran ka dhashay gacan ku haynta gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan dalka Azerbaijan, hase-yeeshee dadka degan ay kasoo jeedaan Armenia.