C/Weli GAAS oo shaaciyay arrin uu meesha ka saaray heshiiskii VILLA SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii u horeysay ka hadlay sababta keentay in heshiis 15-qodob ka kooban ay wada gaaran madaxda dowladda federaalka iyo kuw maamulada dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada ayaa 17-kii September heshiis ku gaaray Villa Somalia, kaasi oo xal kama dambeysa ah looga gaaray khilaafkii baahsanaa ee ka dhashay qabsoomida doorashada.

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa isagu qaba in sababtii u weyneyd ee heshiiskaasi loo gaaray ay aheyd “in laga baaqsado dib u dhac ku yimaada qabsoomida doorashada.”

Gaas ayaa qaba in heshiiskaasi uusan wax badan ka duwaneyn nidaamkii doorasho ee 2016-kii.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in heshiiskaasi uu meesha ka saarayo muddo kororsi dheer, haddii labada dhinac ee heshiiskaasi gaaray ay si daacad ah uga wada-shaqeeyan fulintiisa.

“Sababta hadda loo gaaray heshiis noocan ah oo dib ugu laabanaya midkii 2016-kii, oo wax yar-yar un laga badalay oo aan badneyn, Sida; tirada ergada oo la kordhiyay oo keliya, waxay tahay sababtu anigu sidan fahamsanahay in doorashada waqtigeeda lagu qabto” ayuu yiri C/weli Gaas.

Waxa kale oo uu xusay in suurto-gal tahay in dhowr bilood oo kooban ay dib u dhacdo doorashadu, taasi oo ku sheegay arrimo farsamo oo dib uga ridi kara waqtiga loo asteeyay doorashada.

Hadalka Cabdiweli ayaa imanaya xili uu soo baxayo mad-madow ku jira heshiiskaasi dhawaan lagu gaaray Villa Somalia, maadama uusan si dhab ah u cadeyneyn xiliga la soo dooranayo baarlamaanka iyo mudada ay soconeyso doorashadu.