XASAN SHEEKH oo ka hor-yimid dhowr qodob oo ka mid ah heshiiskii doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ka hadlay heshiiskii dhawaan laga gaaray khilaafkii baahsana ee doorashooyinka ee lagu gaaray Villa Somalia.

Xasan ayaa dul istaagay arrimo uu sheegay inay dib udhac keenayaan oo ku jiray heshiiskaasi, kaasi oo ku qotoma xiliga ay qabsoomeyso doorashadu oo si rasmi ah loo cadeyn.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuusan jirin hab cad oo lagu sheegay heshiiskaasi oo loo soo xulanayo baarlamaanka iyo qaabka ay u kala gudbayaan xildhibaanada.

Xasan ayaa qaba in mad-madow badan uu ku jiro heshiiska lagu gaaray Villa Somalia, oo u baahna in si cad loogu bayaaniyo qoddobada ay sida wada-jirka ah u soo saareen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalku.

“Waxyaabo badan oo tafaasiila ka dhiman heshiiskaasi, oo waxa weli u dhiman waxyaabo badan oo u baahan in la cadeeyo, waxaana rajeynayaa in maalmaha soo socda la dhameeyo” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuuna soo jeediyay in shirar kale ay isugu imaadaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, si waxyaabaha yar-yar ee mugdigu ku jira loo cadeeyo.

Ugu dambeyntiina wuxuu ka dhawaajiyey inay muhiim tahay in laga shaqeeyo qaabkii uu u dhaqan gali lahaa heshiiskaasi, iyada oo dib u hagaajin lagu sameynayo, xili uu meel-mariyay baarlamaanku.