Askari GABAR afar jir ah ku kufsaday Muqdisho oo dil lagu xukumay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi oo lagu helay dambi ah inuu kufsi u geystay gabar afar jir ah.

Qoraal ka soo baxay maxkamadda ayaa waxaa lagu sheegay in Dable Xoogga Maxamed Xuseen Cilmi loo soo xiray kufsi uu u gaystay dhibane Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo afar sanojir ah, kaas oo 14-kii May ee sanadkan 2020-ka ka dhacay degmada Wadajir.

Maxamed Xuseen Cilmi ayaa kadib lagu soo wareejiyay maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxaana xabsiga dhexe loo taxaabay muddo kadib si loo hubiyo jiritaanka dambiga lala xiriiriyay ee uu ugu xirnaa hey’adda dambi barista Boliiska CID.

Xafiiska xeer ilaainta ciidamada qalabka Sida ayaa baaritaan kadib hor geeyay maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxaana xilligaasi loo dii  waan geliyay qiraalkii ka dhashay  horgeyntiisa Maxkamadeed.

Sidoo kale Maxamed Xuseen Cilmi ayaa ay maxkamadda ciidamada mudeysay in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah bilowgii september, waxaana dhageysiga kama dambeysta ah ee maxkamadda la soo gaba gabeeyay 24-kii bishan.

Intii ay socotay maxkamadeynta  Maxamed Xuseen Cilmi ayaa la dhageystay baarihii kiiskan, sidoo kale maxkamadda ayaa lala wadaagay warqadda cadeynta saameynta dhibanaha gaaray.

Eedeysanaha oo isna ka mid ah dadka fursadda loo siiyay fadhigan maxkamadeed ayaa markale ku jawaabay in uu isaga qaadanayo masuulliyadda dhibkii dhacay laakiin uusan ka jawaabi Karin sababta ku kaliftay  inuu kufsado gabar ciyaal ah oo ay daris yihiin, waxa uu intaasi ku daray in xilli dambe oo wax walba ay dhaceen ay dib kala xumaatay.

Muumin Xuseen Cadullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa maxkamadda weydiistay in ay fariin uga dhigto xukunkeeda in fal dambe oo kufsi ah uusan ku fikirin qof kamid ah ciidamada qalabka sida.

Qareenada u dooday eedeysanaha  ayaa ku dacwooday in aan loo qaban qiraalka eedeysanaha xukun ahaan bedlkeedsa ay codsanayaan in maxkamadda ay siiso fursad ay  kula macaamilaan ehelka dhibanaha.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute  guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee CQS ayaa la tashi iyo fadhiya maxkamadeed kadib ku riday xukun dil ah maanta sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda.

Xukunsane Maxamed Xuseen Cilmi ayaa haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.