Haweeney is-miidaamisay oo QARAX culus ka fulisay MUQDISHO (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay waxyeelo kala duwan.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Black Sea, waxaana wararku ay sheegayaan inay fulisay haweeney isku xirtay walxaha qarxa.

Sidoo kale qaraxa oo jugtiisa meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho laga maqlay ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan kuwa nabad sugida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in qaraxan lagu diley taliyihii ciidamada dhar cadda ee NISA u qaabilsanaa degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Marxuumka ayaa magaciisa lagu soo koobay, Caano-Geel, kaas oo xilliga uu qaraxu dhacayey isaga iyo ciidamo kale ay ku sugnaayeen halkaasi.

Waxaa sidoo kale jira khasaare oo dhaawac ah oo gaaray illaa saddex qof oo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Illaa iyo hadda wax faah faahin ah saraakiisha ammaanku kama bixin qaraxaas iyo khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimadda ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu dilal qorsheysan iyo qaraxyo intaba.