Shirka Villa Somalia: Xilliga doorashada iyo qodobo kale oo is-faham laga gaaray

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa isla fahmay xilliga doorashada iyo dhismaha guddiyada maamuli doona doorashooyinka guud ee dalka.

Madaxda ayaa isla gartay qodob oo si cad u qeexaya jadwalka xulista xildhibaanada Baarlamaanka, gaar ahaan Aqalka Sare, waxaana loo jaangooyey in Aqalka Sare doorashadiisa ay bilaabato 15-ka October lana soo afjaro 15-ka November.

Weli lama go’aamin xilliga doorashada Golaha Shacabka, maadaama ay ka dhib badan tahay kana muddo dheer tahay tan Aqalka Sare, waxaana socda wada-tashiga arrintaas la xiriira.

Ilo-wareedyo ku sugan madaxtooyada ayaa Caasimada Online u sheegay in is-faham laga gaaray dhismnaha saddex guddi oo ka shaqeyn doona arrimaha doorashada, kuwaas oo kala ah; guddiga doorashada heer federal, guddiga doorashada heer gobol, iyo guddiga xalinta khilaafaadka. Guddiga heer federaal iyo kan heer gobol ayaa wadajir uga shaqeyn doona doorashada.

Guddigan xalinta khilaafaadka ayaa waxaa magacaabi doona madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee waxaa xubno ku yeelan doona maamul goboleedyada. Tirada xubnaha ayaan weli la go’aamin iyo sida loo kala helayo.

is-afgaradkaan dhexmaray labada dhinac wuxuu mugdiga ka saarayaa heshiiskii bartamahii bishii lasoo dhaafay lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Doorashada la aadi doono waa mid aan ku duwaneyn kuwii hore, waxaa wax lagu qeybsan doonaa nidaamka 4.5, ma jiri doonto in axsaab lagu galo, kaliya waxaa lasoo kordhiyay in laba goobood la dhigo kuraasta iyo sidoo kale in 101 ergo ay soo doorato halkii xildhibaan.

Beesha caalamka ayaa ku riixday hogaamiyayaasha dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe iney ka heshiiyaan marxaladda kala guurka ee dalka uu marayo, waxaana hadda jirta wax badan oo la isku waafaqsan yahay.