Villa SOMALIA oo warqad xasaasi ah u dirtay Amisom kadib falkii ciidanka Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqad uu jawaab ku dalbanayo u diray taliska Amisom, kadib markii ciidamada Kenya ay dad shacab ah ku laayeen magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Warqaddan ay heshay Caasimada Online, oo uu kuu saxiixan yahay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Cabdi Saciid Muuse Cali, kuna taariikheysan 1-da October 2020, ayaa waxaa loo diray ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahana madaxa AMISOM Francisco Madeira.

“Waxaa la isla dhex-marayaa warbixino ku saabsan dhacdo ka dhacday meel u dhow Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kuwaas oo ku tuhmaya ciidamada Amisom inay rasaas ku fureen shacab Soomaaliyeed, toddobaadkii 21-ka September 2020,” ayaa lagu yiri warqadda.

“Dowladda Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay sawirro argagax iyo rabshado ay ka muuqdeen oo la wareejinayo, waxayna AMISOM ka codsaneysaa baaritaan deg deg ah oo daah-furan oo lagu sameeyo dhacdada.”

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale warqadda uga dalbatay AMISOM inay dowladda federaalka la wadaagto xaqiiqooyinka horudhaca ah ee la xiriira dhacdadan.

“Waxaan sidoo kale codsaneynaa in baaritaanka si deg deg leh loo soo geba-gebeeyo, lala xisaabtamo kuwa ku lugta leh,” ayaa lagu yiri warqadda.

Ciidamada Kenya ayaa 21-kii September waxay dad shacab ah oo aan waxba galabsan ku xasuuqeen Ceelwaaq, ayaga oo qaar kalena halkaas ka kaxeystay.

Dhinaca kale, warar laga helayo Gedo ayaa sheegaya in markale diyaaradaha Kenya ay maanta duqeymo hor leh ka geysteen deegaano ka mid ah gobolka Gedo, inkasta oo weli aan faah-faahin laga helin khasaaraha ka dhashay.

Hoos ka aqriso warqadda xafiiska madaxweynaha