Cabdi Xaashi oo magacaabay guddi doorasho (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi doorasho oo ka kooban illaa 7 xubnood.

Guddigan ayaa la socon doono doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi ee ka dhaceysa magaalada Muqdisho, kuwaas oo dowladda federaalka ku metela Somaliland.

Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu sheegay in magacaabista guddigan uu la wadaagay madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha dalka iyo dhammaan madaxda dowlad goboleedyada.

Sidoo kale Cabdi Xaashi ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in xildhibaanada gobollada waqooyi ay u taagan yihiin midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay wasiirka maaliyadda xukuumadda Cabdiraxmaan Bayle, halka ku xigeen uu yahay Xildhibaan Maxamed Cumar Carte.

Magacaabistan ayaa ku soo aadeysa, iyada oo haatan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay heshiis horudhac ah ka gaareen dhismaha saddex guddi oo dhammaan ka shaqeyn doono howlaha doorashooyinka soo socda ee sanadkan 2020 illaa 2021-ka.