Ciidamada Kenya oo weerar kale maanta ka fuliyey Gedo

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Gedo ayaa sheegaya in markale diyaaradaha Kenya ay duqeymo hor leh ka geysteen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Duqeymaha oo ahaa kuwa is xig-xigay ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano dhowr ah oo hoostaga magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in deegaanada la duqeeyey ay ka mid yihiin Cowsqurun Garsaal, Xisaguur, Dhamas, Likooley oo dhammaantood hoostaga degmadaasi.

Deegaanada ay duqeymuhu ka dhaceen ayaa waxaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay ku nool yihiin dad reer mii ah oo u badan xoolo dhaqato.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeyntaasi lagu laayey xoolo aad u fara badan, gaar ahaan Geel ay dhaqanayeen dadka ku nuul deegaanadaasi.

Waxaa sidoo kale jira barakac ay sameeyeen dadka deegaanka, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaartay duqeymaha ay fulinayaan ciidamada Kenya.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa gobolka Gedo ka dhacayey tacadiyo ay shacabka u geysanayaan ciidamada Kenya oo dhowaan dil iyo dhaawac ka geystay Ceelwaaq.

Si kastaba ha’ahaatee dhacdooyinkaas oo ah kuwa soo noq-noqday ayaa waxaa ka dhashay kacdoon shacab iyo banaan-baxyo ka dhacay guud ahaan gobolka Gedo.