Maxay tahay sababta uu CUMAR FILISH isugu yeeray Mursal iyo Cabdi Xaashi?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulan qado sharaf ah oo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish uu u sameeyay guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Sida aan xogta ku helnay kulankaas ayaa looga hadlay metelaada gobolka Banaadir ee golaha Aqalka Sare, taas oo seddaxda guddoomiye ay aad u gorfeeyeen.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa horay u ansixiyay 13-kursi oo gobolka Banaadir uu ku yeesho golaha Aqalka Sare, kadib markii madaxweyne Farmaajo uu codsaday, isla markaana dadaal badan ay ku bixiyeen siyaasiyiinta reer Muqdisho.

Haatan Muqdisho waxaa ka socda kulan u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, kaas oo lagu dhameystirayo heshiiskii doorashada ee 17-kii bishii hore ay madaxdu gaareen.

Madaxweyne Farmaajo oo dhawaan wax laga weydiiyey sababta metelaada Muqdisho aan loogu xusin heshiisyada doorashada ayaa shaaciyey in 13-kii kursi ee gobolka Banaadir loo ansixiyay ay haatan hor yaallaan guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka oo sida uu sheegay ku howlan waafajinta dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa qeyb ka ahaa seddaxdii waji ee u dambeeyay, wadahadallada arrimaha doorashooyinka ay heshiisyada uga gaareen madaxda heer federal iyo heer dowlad goboleed, waxaase aad u yar saameyntiisa, isagoo metelaya dadka reer Muqdisho oo xuquuq badan ay uga maqantahay awood qeybsiga golayaasha dastuuriga ah ee dowladda dhexe.

Kulankan maanta dhex maray guddoomiye Cumar Filish iyo guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii uu madaxweyne Farmaajo sheegay in 13-ka kursi ee Muqdisho metelaada uga heshay Aqalka Sare ay hor yaallaan guddoonka labada Gole, si shuruucda dalka ay u waafajiyaan.

Doorashada soo socota waxaa loo balansanyahay  in gobolka Banaadir markii ugu horeysay uu golaha Aqalka Sare metelaad ku yeesho, balse waxaan weli meel la saarin maqaamkiisa, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo aan sidaas u badneyn oo lagu soo dhicinayo.