Trump oo Putin u diray codsi yaab leh oo ka dhan ah Biden

Washington (Caasimada Online) – Donald Trump ayaa ugu baaqay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, oo bishii hore duulaan ku qaaday Ukraine, inuu sii daayo xog kasta oo uu hayo oo wax u dhimeysa wiilka madaxweyne Joe Biden, Hunter.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa mar kale dib ugu laabtay eedeymaha soo noqnoqda ee uu marar badan u jeediyey Biden, intii lagu guda jiray ololihii doorasho ee looga adkaaday 2020.

Qeyb ka mid ah wareysi uu Talaadadii siiyey barnaamijka “Just the News” ee warbaahinta Real America’s Voice, ayuu Trump ku sheegay in xaaska duqii magaalada Moscow ay Hunter Biden siisay $3.2 milyan.

“Taasi waa lacag badan,” ayuu yiri. “Waxay siisay $3.5 milyan, marka hadda waxaan u maleynaa in Putin uu ogyahay jawaabta arrintaas. Waxaan u maleynaa inuu sii daayo.”

“Waxaan u maleynayaa inay tahay inaan ogaano jawaabtaas,” ayuu ku diray.

Trump ayaa muddo sheegayey, isaga oo aan yaboohin wax caddeymo ah, in Hunter Biden uu lacag ka helay Elena Baturina, oo ah xaaska duqii hore ee geeriyooday ee Moscow Yuri Luzhkov, si uu taas beddelkeed xigsasho uga helo Joe Biden.

Trump ayaa waxaa 2019 dacwad xil ka-qaadis kusoo oogay Aqalka Wakiilada Mareykanka sababo ka xiriira inuu isku dayey inuu madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ku cadaadiyo inuu baaro wax uu tuhunsanaa inay yihiin akhbaaraad dhaawici kara wiilka Biden, oo mar la shaqeeyey shirkad tamarata qaabilsan oo ku taalla Ukraine.

Ololihii doorasho ee uu ku guuelystay 2016, Trump wuxuu fagaare uga codsaday Moscow inay baahiso emailo la la’aa oo ka yimid musharaxii dimoqraadiga ee la tartantay Hillary Clinton.

“Russia, haddii aad i dhageysaneysaan, waxaan rajeynaa inaad awoodi doontaan inaad heshaan 30,000 ee email ee la la’yahay, waxaan u maleynaa inay si wanaagsan idiin abaal-marin doonaan warbaahinteena,” ayuu Trump ku yiri shir jaraa’id oo uu qabtay July 2016.

Putin ayaa duulaan dhimasho leh ku qaaday Ukraine 24-kii Febraayo, ayada oo shacabka Ukraine ay bixiyeen qiimaha ugu badan ee weeraro la baarayo inay yihiin dambiyo dagaal.

Madaxweyne Joe Biden ayaa hoggaamiyey jawaab cunaqabatayn oo aan horey loo arag oo ay Reer Galbeedka bixiyeen iyo kaalmo iyo hub la gaarsiiyey Kyiv, oo iska-caabin xooggan oo lama filaan ah muujisay.

Biden ayaa Putin ku qeexay dambiile dagaal, wuxuuna dhowaan sheegay “inaanu xukunka sii hayn karin” kadib ficilladiisa Ukraine.

AFP + VOA