Trump oo sheegay sabab yaab leh oo ay u dileen Jeneral Qassem Soleimani

Washington (Caasimada Online) – Ayada oo laga cabsi qabo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe, ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu sheegay in sababta loo dilay Jeneralkii sare ee Iran ee Qassem Soleimani ay tahay in laga hortago dagaal ka dhaco Bariga Dhexe.

“Waxaan ficilkan u qaadnay inaan joojinno dagaal, uma qaadin inaan billowno dagaal” ayuu yiri Trump oo wax laga weydiiyey cabsida laga qabo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe.

Trump waxa uu sheegay in Soleimani uu qorsheynayey “weerar xun” oo ka dhan shaqaalaha Mareykanka ee Bariga Dhexe, ayna ku qasbanaayeen inay ka hortagaan.

“Jeneral Qassem Soleimani waxa uu dilay ama si xun u dhaawacay kumanaan Mareykan ah, wuxuuna hadda qorsheynayey inuu kuwo hor leh dilo, balse waan ku qabanay” ayuu yiri madaxweyne Donald Trump.

“Waxa uu sidoo kale si toos ama aan toos ahayn uga mas’uul ahaa dhimashada malaayiin qof, oo ay ku jiraan tiro badan oo banaan-baxayaal ah oo dhowaan lagu dilay dalka Iran.” Ayuu yiri Trump.

“Muddadii argagixisanimo ee Soleimani waa ay dhammaatay” ayuu yiri Trump.

Madaxweyne Donald Trumo waxa uu sidoo kale sheegay in Mareykanka uusan dooneyn in taliska Iran la beddelo.

“Ma dooneyno inaan is-beddel talis ku sameyno Iran” ayuu yiri.

Iran ayaa ku hanjabtay “aargudasho darran”, waxaana ay sheegtay in Mareykanka uu qaadi doono mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhasha dilka Jeneral Qasem Soleimani.

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku hanjabay “aargudasho darran”, oo ka dhan ah “dambiilayaasha gacmahooda dhiigga la galay,” isaga oo wacad ku maray in “shaqadiisa iyo waddadii uu hayey aan la joojin doonin.”

Dhinaca kale, hoggaamiyaha kooxda Tehran ay taageerto ee dalka Lubnaan ee Xizbullah ayaa maanta ku baaqay in loo aargudo dilka Qasem Soleimani.

“In la fuliyo ciqaabta ku habbon dambiilayaashan wax khaarijiyey, waxay noqon doontaa mas’uuliyadda dhammaan dagaal-yahanada wax iska caabinta ee caalamka.” Ayuu bayaan uu soo saaray ku yiri Hassan Nasrallah.