Wararkii ugu dambeeyey sarkaal ka tirsanaa Puntland oo Boosaaso lagu dilay

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa wararku waxa ay sheegayaan in loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Puntland oo ku sugnaa bartamaha magaaladaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ciise Ducaale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay oo ku hubeysnaa Bistoolado ay goobta isaga baxsadeen falka kadib.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee dowlad goboleedka Puntland ayaa gaaray goobta, iyagoona baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka magaalada iyo saraakiisha amniga oo la xariira dhacdadaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay amniga Boosaaso ayaa faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah nabad galyada, kuwaas oo u badnaa dilal qorheysan.