Donald Trump oo soo rogaal celiyey kuna dhawaaqay qorshihiisa sanadka 2024

Washington (Caasimada Online) – Donald Trump, ayaa tan iyo markii looga adkaaday doorashada 2020-ka waxa uu billaabay weerarro aan kala joogsi lahayn oo ka dhan ah hufnaanta codbixinta ee Mareykanka, waxa uuna Talaadadii markii saddexaad ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha Mareykanka ee doorashada 2024.

Trump ayaa ku dhawaaqistiisa uga gol-lahaa inuu ka hor-gudbiyo musharraxiinta kale xisbiga Jamhuuriga.

Trump oo rajeynaya inuu mar kale doorasho uga hortago madaxweyne Joe Biden oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa hadalkan ka sheegay gurigiisa Mar-a-Lago, ee gobolka Florida toddobaad kadib doorashadii xilliga dhexe oo ay Jamhuuriyiintu ku guuldarrayseen inay ku guulaystaan kuraas badan oo Congress ka ah sidii ay rajaynayeen.

“Si aan mar kale Ameerika uga dhigo mid weyn, caawa waxaan ku dhawaaqayaa in aan u tartamayo xilka madaxweynaha Maraykanka” ayuu Trump u sheegay dadkii isugu soo baxay xafladda ku dhawaaqista oo isugu jiray xubno qoys ka tirsan, kuwa dhaqaalaha ku taageera doorashadiisa iyo shaqaale hore.

Ku dhawaaqista Trump ayaa kasoo hormartay xilligii la filayay, waxayna calaamad u tahay rabitaankiisa ah inuu ka dhaadhiciyo musharraxiinta kale ee suurtagalka ah sida guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis ama madaxweyne ku xigeenkiisii hore, Mike Pence, inuu u tartamo musharaxnimada Xisbiga Jamhuuriga.

Siyaasiyiinta kale ee rajada ka leh madaxweynaha ee ka tirsan Jamhuuriga waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Gobolka Virginia Glenn Youngkin, Guddoomiyaha Texas Greg Abbott, Guddoomiyihii hore ee South Carolina Nikki Haley iyo Xoghayihii hore ee Arimaha Dibada Mike Pompeo.