Trump oo Soomaali badan soo masaafuriyey maalmo ka hor inta uusan xilka ka degin

Minnesota (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump waxaa dalka Soomaaliya dib loogu celiyay oo la masaafuriyay boqollaal Soomaali ah, waxaana mar kale shalay lasoo celiyey tiro kale.

Waxaa shalay laga soo duuliyay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka 70 ruux oo Soomaali ah, kuwaasi oo noqonayaa tiradii ugu badneyd ee bishan gudaheeda uu Mareykanka uu dib ugu soo celiyo dalka.

Maxamuud Muuse Xasan oo ah u doode u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda Soomaaliada Mareykanka ayaa sheegay inay dadaalo badan ka sameeyen arrintaas, hase yeeshe ay ku guul dareysteen.

Waxa kale oo uu xusay in xukuumadda Trump aysan dhag jalaq u siin dalabo ay ku hor joogsanayeen dadka Soomaalida ah ee dalka dib loogu celinayay, kuwaasi oo ay ugu dambeeyen dadkii shalay dib loo celiyay.

“Dadka la celiyay badankoodu waa rag, kumana jiraan haween iyo caruur, waxaana ku jiray dad sharcigii lagala laabtay oo shaqeysan jirey” ayuu yiri Maxamuud Muuse.

Dadka uu Mareykanku uu dib ugu celiyay dalka ayaa waxa sidoo kala dad dambiyo fudud galay, waxayna celintooda qeyb ka tahay arrimo uu Donald Trump ku galay ololahiisa doorashada.

Maamulka Trump, oo xilka ka degaya 20-ka bishan Janaayo, ayaa dad badan oo kumanaan ah dib ugu celiyay dalalkoodii, kuwaasi oo ay kamid yihiin  Soomaalida shalay dib loogu celiyay dalka.