Tuhun xoogan oo ka dhashay weerarka SYL iyo dhinacyada ay farta ku godan tahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarka saacadaha qaatay soo afjaristiisu ee ka socda gudaha hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa durba ka dhashay tuhuno xooggan.

Weerarkan oo fajiciso noqday marka la eego halka uu ka dhacay oo u dhow Madaxtooyada Soomaaliya, oo ay adag tahay in uu tago qof shacab ah oo socda, iskaba daa gawaari iyo qaraxyo, waxaana aaggaas lagu tagaa ID-card.

Tuhunka u weyn ee laga muujinayo weerarkan ayaa ah in la fududeeyay weerarka, maadaama hoteelka la weeraray ay dhinacyadiisa yaallaan Koontaroolo adag oo sida qof caadi ah oo aan ID wadan mari karin, sida qarax iyo rag hubeysan ku tageen, iyada oo ilaalada hubeysan xilliyada qaar laga reebi jiray baabuurta.

Khubarada amniga ayaa muujinaya in marka la eego goobta la weeraray iyo sida maleeshiyaadka ugu suurta-gashay aysan ku iman qorshe Shabaab oo kaliya ee ay jiraan gacmo kale oo ku lamaan ama ugu yaraan u fududeeyay si ay u gooyaan Koontarooladda adag ee halkaasi yaalla.

“Wax iska caadi ah ma ahan in baabuur qaraxyo ku raran yihiin iyo rag hubeysan ay tagaan goobta la weeraray (Hoteel SYL) oo u dhow madaxtooyaddii qaranka, waxay muujinaysa sida ay lagama maarman u tahay in baaris dhab ah la helo, sida ugu dhaqsaha badana loo helo cid qaada masuuliyadda waxa dhacay,” ayuu yiri Khabiir amni oo la hadlay Caasimada Online.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Amniga Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo isagu horey uga digay qaraxyo iyo weeraro ka dhici kara Muqdisho ayaa qoraal uu soo saaray ku muujiyay shakiga in Al-Shabaab kaligeed ay geysatay weerarkan, sida uu ku yiri qoraalkiisa.

“Khawaarij hubeeysan oo gaari qooqan ah saaran, hadde ogoow gaari iyo ciidan Muqdisho waa ka mamnuuce ayaa Hotel SYL gaaray, kadibna ciidankii saarnaa ayaa hotelka galay, ugu danbeyna qooqantii ayaa qaraxday waana qaraxa taliyaha Haramcad dhaawaca culus gaarsiiyay iyo madaxda kale,” ayuu yiri Mr. Cali Yare.

Waxa uu bidhaamiyay in weerarkan uu ka gedisan yahay kuwii horey looga bartay kooxda, uuna kusoo aadayo xilli amniga Muqdisho uu soo reystay, oo qorshe cusub oo amni loo dhigay xaqiijinta ammaanka caasimadda, taasi oo farta ku fiiqeysa fududeynta jiho kale oo illaa hadda la aqoon.

“Waxaas oo dhan waxaa ka sii horeeyay gaari kale oo isagana darbiga lagu jabiyay. Halkaas markeey mareeyso waa wax wixii aan aqoon jirnay ka duwan ee maxaa magaalada kusoo kordhay oo Shabaab ka baxsan?.”