Fal-celin culus oo ka dhalatay hadalkii Maxamed Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa habeen hore khudbad muuqaal ah sii daayay, kaasi oo uu kaga hadlay dastuurka Soomaaliya oo wax ka beddelkiisa iyo dhameystirkiisa uu hadda horyaallo baarlamaanka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay in hadii sidaan wax lagu sii wado ay taladu ka bixi doonto gacanta Soomaalida oo caalamku uu soo faro-gelin doono arrimaha dastuurka.

“Hadii ay dowladdu ka joogi weyso sida ay wax ku wado, caalamkuna soo farogelin waayo arrintaan, waxay noqoneysaa in qof kasta uu u laabto tuuladiisii,” ayuu yiri Madaxweynihii hore Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu ku dooday in ajendaha dhanba uu qaldan yahay oo waxa socda aysan aheyn dhameystir ee dastuur bedel ay yihiin, isagoo tusaale u soo qaatay cutubka 4-aad oo maalmahaan doodiisa ay ka socoto kulamada baarlamaanka.

Hadal-hayn badan ayaa ka dhalatay khudbaddan oo dhowr iyo toban daqiiqo ahayd, ayada oo baraha bulshada siyaabo kala duwan looga fal-celiyey khudbada madaxweynihii hore ee dalka.

Siyaasiyiin ku jira dowladda ayaa dhaliilay khudbadaan, halka siyaasiyiin kale oo horena ay soo dhaweeyeen, sidoo kalena waxaa si weyn uga fal-celiyay qaybaha bulshada oo siyaabo kala duwan uga hadlay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo kamid ah mas’uuliyiinta dowlada ee ka fal-celiyay khudbadii madaxweynihii hore ayaa waxa uu sheegay in khudbadaasi ay xujo ku tahay Farmaajo, sida uu hadalka u dhigay.

“Mudane Xildhibaan Farmaajo sida aad u hadashay waa ka duwan tahay sida aad u dhaqantey markii aad xilka joogtey iyo sida aad qortay intaba!. Dadkuna kuwii guulwadayaasha kuu ahaa ma ahan! Fursad bixi shaqadiii aad qaban weyday lagu dhammaystir!,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale, dadka ka fal-celiyay hadalka Farmaajo ayaa waxay yiraahdeen;

Cabdiwaaxid Aadan: “Ilaah idinkiis dastuurka waa la dhameynaya dalkana hore ayuu u soconayaa cid idiin joojineysa in aysan jirin, 33 sano looma dhama kusoo jirnay laakiin hada bulshada waa tashatay.”

Cabdiraxmaan Shucayb ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Dalkaan iyo dadkaan waxay u baahan yihiin hogaamiye adiga oo kale uma baahna qof gun ah. Mudane Madaxweyne Soo dhawoow umadda Soomaaliyeedna adey ku sugayaan.”

“Xishood ma jiro miyaa indha adeeg badnidaa, beel caalam waa taa horey wadanka uga ceyrisay xiriirna wanaagsana kaalama dhaxeeyo ee wejigaada dadka ka hor leexi,” ayuu yiri Saciid Abuukar Xuseen oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrinkaan.

Cusmaan Cadde: “Horta Waddaniyaddii Madaxweyne Farmaajo sow ma dhigeynin in siyaasiyiinta aanan xilalka heynin aysan tagin safaaradaha oo aanay u dacwoon diblomaasiyiinta shisheeye.”