Xog cusub oo kasoo baxeysa weerarka ka socda hotel SYL

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal-yahaanadda kooxda Al-Shabaab ayaa weli ka dhex dagaalamaya Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay xalay ku galeen weerar ku billowday qaraxyo.

Hoteelkan oo ku yaalla meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lasoo warinayaa in weli rasaas laga maqlayo gudaha hoteelka, waxaana weli socda weerarkii xalay billowday.

Weerarka illaa hadda socda ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, iyada oo illaa haatan aan si rasmi ah loo ogeyn xadiga khasaaraha ka dhashay, mana jirto xog kasoo baxday dowladda Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay in weli gacanta ku hayaan dhismaha hoteelka, ayna halkaasi ka wadaan toogasho lagu beegsanayo masuuliyiinta dowladda iyo saraakiisha.

“Mujaahidiinta hubeysan ayaa gacanta ku haya hoteelka waxayna tooganayaan shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha ciidanka ee hoteelka,” ayaa lagu yiri war ay kooxda Al-Shabaab ka soo saartay weerarka, kuna sheegatay masuuliyaddiisa.

Dagaal-yahaanadda kooxda ayaa xoog ku galay dhismaha kadib markii ay soo jiireen ayna qarax xooggan ku burburiyeen derbiga, markaasi oo la maqlay qarax weyn, kaasi oo ay xigtay rasaas.

Dhinaca kale, Masuuliyiin badan ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarka xalay soo billowda ee ka socda gudaha hotel SYL ee magaalada Muqdisho, sida ay muujineyso xog hordhac ah oo Caasimada Online ay ka heshay khasaaraha.

Taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad Cabdixamiid Fanax, Xildhibaan Cismaan Cali, Xildhibaan Fanax Cabdi, xildhibaan Ismaaciil Iidow oo ka waxa tirsan golaha shacabka, Senator Cabdirisaaq, afhayeenka xukuumadda Farxaan Jimcaale, Weriye Xasan Cadde iyo Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Feysal Caraale ayaa ku dhaawacmay weerarka ka socda SYL.

Ciidanka weerarrada afjarka ah fuliya ee Alfa-group ayaa gudaha hotelka kula dagaalamaya maleeshiyadda, kuwaas oo doonaya inay soo afjaraan kooxda ka dhex dagaalameysa hotel SYL.

Hotelkaan oo ku yaalla irida laga galo madaxtooyada Soomaaliya waxaa adag inuu tago qof shacab ah oo socda, waxaana aaggaas lagu tagaa ID-card, waxaana la garan waayey halka ay soo mareen ragga weerarka fuliyey.

Heegan adag ayaa la geliyey dhamaan ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho, masuuliyiin badan ayaa ku dhaawacmay weerarka, kuwaas oo isbitaallada loo qaaday dhaawacyadooda, halka kuwa kale la aaminsan yahay inay ku go’doonsan yihiin gudaha Hotelka.