Turki oo sheegay in dowladii Max’ed Siyaad Barre aysan ‘teelo’ u dhigan Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Cabdisalaan Maxamuud Jaamac (Cabdisalaan Turki) oo kamid ahaa ururkii SNM ayaa sheegay in Dowladii Siyaad Barre aysan waxba ula hadhin oo teelo u dhigan Somaliland, isla markaana ay si ba’an u xasuuqday shacabkoodii.

Cabdisalaan Turki ayaa ka dhawaajiyey in arrintaasi ay horseeday in xiligaasi ay halgan adag la galaan dowladii Siyaad Barre, oo uu sheegay inay aheyd dowlad xaqdaro ah oo dhib badan ku haysay.

Turki ayaa sidoo kale sheegay inaysan marnaba suurtagaleyn in Somaliland looga soo taliyo Muqdisho, isla markaana ay xasuusan yihiin xasuuqii loo geystay oo aysan aqbaleyn in Farmaajo u soo taliyo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dawladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Siyaad Barre, teelo inoomay dhigan ee Shacabkeenii maatida ahaa ayey xasuuqday oo dhib joogto ah ayey inagu haysay, dhibkaas ay inagu haysay ee kalifay inaynu dhiidhino oo aynu ka damqano dhibtaas la inagu hayey, taas ayaana keentay inaynu halgan aynu la galano” ayuu yiri Cabdisalaan Turki.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waliba ALLE guusha ayuu ina siiyay, madaama aynu la dagaalamay dowlad xaq-daro wada, inagoo og halgankii aynu la galay Dowladdii Siyaad Barre ee dhibta inagu haysay, suurtagal noqon mayso in mar dambe la ina dago oo Muqdisho la inooga taliyo”.

“Farmaajana waxaanu leenahay wali waanu xasuusan nahay xasuuqii dadkayaga loo geystay oo maanu ilaabin ee waxba niyada ha ku dhisan inaad Somaliland u taliso, ee anaga ayaa Somaliland ilaashanayna oo Shacabkayaga iyo Dadkayaga ayaa ilaashanayna”.

Cabdisalaan Turki ayaa ugu dambeyntiina soo jeediyay in xal laga gaaro arrimaha siyaasadeed ee ka jira gudaha Somaliland, isla markaana heshiiso waxtar ah lagu soo afjaro muran siyaasadeed kasta oo taagan.