28.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Turkiga oo fashiliey shirqool xasaasi oo ay soo qaaday Iran

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) — Ciidamada ammaanka iyo sirdoonka dalka Turkiga (MIT) ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen shabakad basaasnimo oo xiriir la leh sirdoonka Iran, kuwaas oo qorsheynayay inay xog xasaasi ah ka ururiyaan saldhigga cirka ee Incirlik oo ay si wadajir ah u maamulaan Turkiga iyo Mareykanka. 

Wargeyska Daily Sabah ee ka soo baxa Turkiga ayaa Arbacadii baahiyay in hawlgal qorsheysan oo laga sameeyay shan gobol lagu soo qabtay lix qof, kuwaas oo ay hoggaaminayeen wakiillo ka tirsan sirdoonka Iran oo lagu kala magacaabo “Haji” iyo “Doctor”. 

Baaritaannada hordhaca ah ayaa daboolka ka qaaday in shabakaddan ay u xil saarnayd inay sawirro iyo muuqaallo ka duubaan saldhigga Incirlik ee gobolka Adana, kaas oo ah xarun istiraatiiji ah oo Maraykanku ku leeyahay gobolka.

Eedaysanayaasha la qabtay oo shan ka mid ah ay u dhasheen Turkiga, halka midka kalena uu yahay Iiraani, ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira “helitaanka xogta sirta ah ee dawladda, ujeeddooyin basaasnimo awgeed.”

Warbixintu waxay intaas ku dartay in xubnaha qaarkood ay tababarro gaar ah oo ku saabsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ku soo qaateen gudaha Iran intii u dhaxaysay bishii August iyo September ee sannadkii 2025.

Arrinta xiisaha gaarka ah leh ee ay soo bandhigeen baarayaashu ayaa ah in shabakaddani ay isku dayday inay diyaaradaha Drones-ka hubaysan u dhoofiso Jamhuuriyadda Qubrus (Koonfurta).

Qubrus ayaa la rumeysan yahay inay xarun u noqotay hawlgallada sirdoonka Maraykanka iyo Ingiriiska intii ay socotay colaadda Gaza, iyadoo xogta la wadaagaysa milatariga Israa’iil.

Mid kamid ah eedaysanayaasha oo u dhashay Turkiga ayaa sidoo kale qirtay in loo soo bandhigay qorshe lagu khaarajinayo dadka mucaaradka ku ah nidaamka Iran ee ku sugan Turkiga.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Tehran ay marayso meel “xasaasi ah”.

Madaxweyne Donald Trump ayaa la sheegay inuu miiska soo saaray xulashooyin milatari, kadib markii Iran ay si awood xad-dhaaf ah u caburisay dibad-baxyo dowladda looga soo horjeedo, halkaas oo saraakiisha Turkigu sheegeen in kumanaan qof lagu dilay.

Maraykanka ayaa maalmihii u dambeeyay xoojiyay joogitaankiisa milatari ee gobolka, iyadoo markabka diyaaradaha xambaara ee USS Abraham Lincoln uu soo gaaray biyaha Bariga Dhexe, tallaabadaas oo loo arko mid cadaadis lagu saarayo madaxda sare ee Iran.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Maxamed Baqir Ghalibaf, ayaa dhowaan ka digay in Tehran aysan sugi doonin inta la soo weerarayo, balse ay qaadi karto “weeraro ka hortag ah” oo ay ku beegsanayso danaha Maraykanka iyo Israa’iil haddii ay dareemaan khatar soo fool leh.

“Haddii la dareemo calaamado weerar, dhammaan saldhigyada Maraykanka iyo maraakiibtooda gobolka jooga waxay noqon doonaan bartilmaameed sharci ah,” ayuu yiri Ghalibaf.

- Advertisement -

Read more

Local News