25.7 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Turkiga oo joojiyey howlihii Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegey in dowladda Turkiga ay joojisey hawlo nadaafadeed oo ay ka heysey magaalada Muqdisho.

Cabdicasiis Goodax Barre oo ah agaasimaha nadaafadda gobolka Banaadir ayaa Goobjoog u sheegey in haatan shaqadii ay Turkida hayeen ay iyaga ka maamul ahaan la wareegeen.

Cabdicasiis ayaa yiri “marklaan u tagnay oo aan la sheekeysanay, warqadana kuma qorneyn in si gabi ahaanba u joojinayaan, waxay noo sheegeen in ku meel gaar ah u joojiyeen hawsha, waxaan u maleynayaa in xisaab xirkii sanadka uu yahay oo ay wax darsayaan”.

Wuxuu intaasi ku daray haddii ay Turkida toos shaqada u joojiyaan in ay kala wareego doonaan illaa 100 gaadiidka qashinka oo haatan magaalada Muqdisho looga shaqeeyo nadaafadeeda.

Mashruuca mataaneynta Muqdisho iyo Istanbul ayaa waxaa uu dowladda hoose ee Muqdisho gacan ka siinayaa nadaafadda iyo bilic soo celinta magaalada, iyada oo dowladda hoose ee Istanbul ay bixineysay gaadiidka iyo qalabka nadaafadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News