Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo hadda soo gaaray Caasimada Online ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu Sunna Wal jamaaca iyo kuwa AMISOM ay isku horfadhiyaan magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Illo xog ogaal ah waxa ay sheegayaan in maamulka Ahlu Sunna ay hor-istaagaan ciidamada Amisom ayna weydiiyeen halka u socdaan, islamarkaasina keenaan cadaymo la xiriira qorshaha socdaalkooda ee aanan laga warqabin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada AMISOM ay sheegeen meelo kala duwan, mar waxa ay sheegeen in ay u socdaan magaalada Guri Ceel, markale Dhuusamareeb , mar kalena magaalada Cadaado.
Illo wareedyada noo waramay, ayaa sheegey in ciidamada Ahlu Sunna ay AMISOM u sheegeen in haddii dowladda federaalka soo dirtey aysan iyaga iyo dowladda wali si rasmi ah u heshiinin, socdaalka ciidamada AMISOM-na ay ka shakiyeen.
Ciidamadan AMISOM ayaa ka socda dalka Jabuuti, waxana ay ka tageen magaalada Baladweyne oo uu fadhigooda ahaa, lamana hubo halka rasmiga ah ee ay ku socdaan. Waxaa laga cabsi qabaa in labada dhinac ay isku dhacaan, haddii Ahlu-Sunna ku adkeysato go’aankeeda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

