28.4 C
Mogadishu
Monday, December 15, 2025

Warbixin: Rasaas ka socota Gaalkacyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in Saaka halkaasi laga maqlaayo rasaas teel teel ah oo dadka deegaanka ay hurdada uga soo toosen.

Rasaasta ayaa la sheegayaa inay is weydaarsanayaan laba Maleeshiyo beeleed oo halkaasi uu dagaal ku dhexmaray qorox dhicii shalay, waxa ayna rasaasta xoogeeda iminka ka soctaa deegaanka Saaxo-kurtumood oo qiyaastii 100 km dhinaca koonfur-galbeed ka xiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maxamed Axmed oo ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu markiisa hore ka bilowday gacan ku heynta baraag lagu keydiyo biyaha oo ku taala deegaanka.

Wuxuu u jeediyay maamulka Galmudug iyo odayaasha deegaanka inay gacan ka geystaan joojinta colaadda oo Saakay mar kale dib u bilaabatay.

Dhanka kale, Maamulka Galmudug ayaan wali ka hadlin dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News