Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Somalia,Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa lagu wadaa inuu safar booqasho ku tago xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb.
Ra’isu wasaaraha ayaa la sheegayaa in ujeedka socdaalkiisa uu noqon doono u kuurgalida habsami u socodka Shirka ka socda Magaalada Dhuusamareeb kaasi oo lagu heshiisiinayo beelaha dega gobollada dhexe.
DF Somalia wali ma aysan xaqiijin booqashada Ra’iisul wasaaraha Somalia, waxaase la filayaa in warbixin muujineyso socdaalkaasi laga soo saaro xafiiska Sharmarke iyo xarunta madaxtooyada Somalia.
Dowlada Somalia ayaa ahmiyad gaar ah siineysa shirkaas oo gogol xaar u ah shirka maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud oo dhawaan la filayo inuu ka dhaco degmada Cadaado.
“Xukuumadda waxaa ay si gaar ah ahmiyaad u siinaya dhismaha maamulka gobollada dhexe,”ayaa lugu sheegay war ka soo baxay xukuumadda Somaliya.
Dhanka kale, waxaa Dhuusamareeb ka socda dadaalo lagu xaqiijinaayo Amaanka, iyadoona inta badan wadooyinka la dhigay Ciidamo kala duwan oo xaqiijinaayo amaanka ka hor inta usan Ra’isul wasaaraha gaarin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

