28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Nabadoon caana oo lagu dilay B/Weyn

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Habeenimadii xalay bartamaha Magaaladaasi lagu dilay Nabadoon caan ahaa.

Nabadoonka ayaa waxaa lagu dhex toogtay Hooygiisa, iyadoona dilka kadib ay kooxdii fulisay goobta ka baxsadeen.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay xaafada Howlwadaag ee degmada Beledweyne, waxaana la dhaawacay xaaska iyo labo caruur uu dhalay nabadoonka la dilay, siday xaqiijiyeen dadka deegaanka oo Caasimada Online la hadlay.

Dadka Deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in sidoo kale Kooxda ay Nin dhalin yaro ah kala baxday guriga kaasi oo maydkiisa laga helay meel duleedka ka ah Magaalada.

Waxaan cadeyn wali sababta loo dilay nabadoonka iyo ninka kale hase ahaatee wax yar ayaa laga joogaa markii Nabadoon caan ka aha Hiiraan lagu dilay dhawaan Magaalada Baledweyne.

Ciidamada amaanka ee maamulka gobolka Hiiraan ayaa saaka baaritaano ka bilaabay xaafada uu dilkaasi ka dhacay, waxaana wali soconaya howlgalka ay sameynayaan ciidamada maamulka degmada iyo AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News