26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Turkiga oo maalgashanaya deegaanka Goobweyn ee Jubbaland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Goobweyn (Caasimada Online) – Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Beker iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay booqdeen deegaanka Goobweyn ee gobolka Jubada Hoose.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa wafdigan ka socday Turkiga ku casuumay Goobweyn oo ah dhul barwaaqo ah, ahna dhul loo dalxiis tagi karo.

Waxaa la socday Olgan Beker ganacsato Turki ah oo doonaya inay maalgashi ku sameystaan deegaanka Goobweyn.

Dowladda Turkiga ayaa maalmaha soo aaddan waxay mashaariic horumarineed ka sameyn doontaa magaalada Kismaayo iyo deegaanno kale oo Jubbaland ka tirsan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News