Jeesow “Baaritaanka socda wixii kasoo baxa ayaan la wadaagi doonaa shacabka”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa ka hadlay isla xisaabtanka ay Guddiga ku bilaabeen Golaha Wasiirada.

Xildhibaan Daahir Amiin ayaa sheegay in mid mid ay ula kulmayaan dhammaan Taliyayaasha ku magacaaban Amniga dalka.

Waxa uu Xildhibaan Jeesow sheegay in isla xisaabtanka uu iminka maraayo Wasiirka DifaacaXukuumada Somalia, waxa uuna cadeeyay in wax laga weydiinaayo dhacdadii ugu danbeysay ee ka dhacday magaalada Muqdisho.

‘’Kulankii ugu danbeeyay waxa uu Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga la qaatay Wasiirka Difaaca, waxaanu wax ka weydiinay dhacdadii ugu danbeysay, waxaan diyaarineynaa wixii kasoo baxay baaritaanka aan ku heyno weeraradii ugu danbeeyay’’

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay maadaama Baarlamaanka uu Xukuumadda kala dhaxeeyo isla xisaabtan sidaas darteed ay ula kulmeen xubnahan oo ay kala hadleen arrimaha amniga.

Sidoo kale, Xildhibaan Daahir Amiin ayaa sheegay inay  muhiim tahay baarlamaanka in la horkeeno sharciyo ay si gaar ah u leeyihiin Ciidamada Xoogga, sidoo kalena la badbaadiyo Hantida iyo dhulalka ay leeyihiin Ciidamada Xoogga.

Dhinaca kale, Jeesow ayaa ballanqaaday in Madaxda ugu sareysa iyo shacabkuba ay la wadaagi doonaan wixii kasoo baxa baaritaanada socda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com