Sacuudiga oo ugu danbeyn ogolaaday in haweenka ay ku biirikaraan ciidanimada (Akhriso shuruudaha)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa si rasmi ah u bilowday in ciidamada ay ku biiriso Haweenka u dhashay dalkaasi oo markii hore laga mamnuucay.

Qoraal mideysan oo kasoo baxay Hay’adaha amaanka Sacuudiga ayaa waxaa lagu sheegay in Haweenka ay ka faa’iideysan karaan fursadahooda.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Guud ee Amniga ayaa xaqiijiyay in haweenku ay hadda codsan karaan diiwaan gelinta darajada askariga.

Sarkaalkan ayaa sheegay in si loo aqbalo haweenka inay ka mid noqdaan ciidamada waa inay buuxiyaan 12 shuruudood, oo ay ku jiraan inay yihiin muwaadiniin Sucuudi ah.

Waxa uu Sarkaalka intaa ku daray in shuruudaha lagu qaadanaayo Haweenka doonaaya ciidanimada ay da’dooda u dhexeyso 25 illaa 35 sano.

Waxaa shuruudaha kamid ah in Haweenka la qaadanaayo ee buuxin doonta shuruuda, ay haystaan ​​waxbarasho dugsi sare, waana inay gudbaan baaritaan caafimaad.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay shuruudaha in Haweenka is diiwaangalinaaya ay dheerarkoodu ahaado 155 sentimitir, iyo miisaanka ku habboon dhererka.

Dhinaca kale, waxaan codsiga gudbisankarin Haweenka u dhaxay kuwa aan u dhalan dalka Sacuudiga, haweenka horay loogu xukumay dembi, iyo dumarka horay uga soo shaqeeyay dawlada ayaan codsan karin inay ku biiraan ciidamada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com