Turkiga oo war culus kasoo saaray heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya

Ankara (Caasimada Online)  – Dowladda Turkiga ayaa ku biirtay dalalka iyo ururada caalamiga ah ee taageerada xooggan u muujiyey madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kadib heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland, ee sida weyn uga careysiiyey shacabka Soomaaliya.

Heshiiskaas Is-afgarad ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso aqoonsi.

Si kastaba, Itoobiya weli dhankeeda kama xaqiijin inay ogolaatay inay aqoonsato Somaliland, balse waxay sheegtay inay dersi doonto sidii ay mowqif uga qaadan laheyd arrintaas.

“Waxaan si walaac leh u xuseynaa Heshiiskii Is-afgaradka ee Iskaashiga iyo wada-shaqeynta, kaasi oo ay Itoobiya iyo Somaliland ku kala saxiixdeen Addis Ababa 1-dii Janaayo, 2024, iyada oo aanay ka warqabin, islamarkaana ogoleyn dawladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay midnimada, madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan adkeyneynaa in mowqifkan uu sidoo kale yahay rabitaanka xeerka caalamiga ah.”

Ankara ayaa sheegtay inay rejeyneyso in muranka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland lagu dhammeeyo wadahadal toos ah, oo ay yeeshaan Soomaalida, ayna taasi tahay hindisaha ay jihadiisa taageerayaan.

Turkiga ayaa noqnaya dalkii ugu dambeeyey ee saaxadda siyaasadda caalamka saameynta xooggan ku leh ee diida heshiiskaas. Waxaa horey heshiiska uga horyimid Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta iyo Mareykanka.

Sidoo kale, Dawladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaantay mid xadgudub ku ah qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeedii Itoobiya.