Sawirro: Xasan oo arrimo xasaasi ah kala hadlay amiirka Qatar iyo Midowga Yurub

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamiim Binu Xamad, waxayna ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo arrimaha hortabinta u leh labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

“Labada hoggaamiye ayaa dul-istaagay xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo, si loo xoojiyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalia ka soo saartay wadahadalkaas.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub, ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Mudane Josep Borrell ayaa uga mahadceliyey mowqifka adag ee Midoowga Yurub ay ku garab istaageen midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Ururrada heer gobol iyo heer qaaradeed ay ku adkeynayaan xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wada xiriiro caalami ah tan iyo markii uu dhacay heshiiskii ay Somaliland qeyb badda ah ugu saxiixday Itoobiya.

Siyaasadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa halmar u qaraxday sidii folkaanadii, waxayna Soomaaliya dunida ka heshay garab istaag deg deg ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa u yeeratay danjirihii ka joogay Addis Ababa, balse dowladda Soomaaliya ma aysan ceyrin safiirkii Itoobiya u joogay Muqdisho, taas oo dad u badan siyaasiyiin waaweyn ay dowladda ku dhaliileen.

Dowladaha iyo ururrada ugu waaweyn caalamka ayaa garab istaagay qadiyadda Soomaaliya, iyagoo Itoobiya uga digay damaca ay ku raadineyso badda Soomaaliya.