Turkiga oo war kasoo saaray qaraxii ka dhacay Ankara iyo wararkii ugu dambeeyay

Ankara (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee Turkiga ayaa sheegtay in weerar lala beegsaday meel u dhow xarunta baarlamaanka dalkaasi ee magaalada Ankara Axadda maanta ah ay ku dhaawacmeen laba askari oo booliis ah.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan oo uu daba socday holac aad u xooggan ayaa laga maqlay meel dhowr KM u jirta goobta uu weerarku ka dhacay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in labada qof ee weerarka qaaday ay 9:30 kii subaxnimo ee waqtiga dalkaasi gaari ku yimaadeen afaafka hore ee iridda laga galo Agaasinka Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayna qaadeen weerar Bambaano oo ay ugu yeertay “mid argagixiso ah”

“Nin ka mid ah argagixisada ayaa is-qarxiyay kan kalena waa la toogtay” ayay wasaaraddu ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada iyadoo intaa ku dartay in laba askari ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen.

Goobta la beegsaday ayaa martigelisa dhowr wasaaradood iyo baarlamaanka Turkiga, kaasi oo lagu wado in maanta uu kalafadhiyadiisa ku bilaabo khudbadda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida ay sheegeen warbaahinta Turkiga.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.