Tuugo cusub oo magaalada Muqdisho ka dillaacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya tuugo cusub oo magaalada ka dillaacay kuwaas oo dhac u gaysaneyso shacabka oo maalmihii ugu dambeysay dhibaato ku hayay Xaafado ka mid ah degmooyinka Muqdisho.

Tuugadan ayaa dhac ka gaysta magaalada xilliyadii habeenkii iyo maliinkiiba, waxayna shacabka ka dhacaan telefoonada halka qaar kamid ah ay waddooyinka u fariistaan shacabka.

Qaar kamid shacabka Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay in tuugada ay soo bateen maalmihii u dambeysay, isla markaasna inta badan ay dhac u gaystaan habeenkii.

Dhibaatada ugu badan ayaa waxaa ay ka taagan tahay degmooyinka Wartanabadda iyo Howlwadaag, waxaana maalin cad dadka laga dhacaa Computer-da iyo Teleefanada gacanta.

Shacabka Muqdisho ayaa ku ammaanay Ciidanka Booliska bilo ka hor tilaabo ka dhan aheyd Kooxaha Burcadda ah oo laga bilaabay degmooyin ka mid ah Muqdisho, taasoo keenay in gacanta lagu dhiggo tuugo badan.

Soo laabashadda Kooxaha burcadda ah ayaa cabsi badan ku abuurtay Shacabka, waxaana ay ugu baaqeen Hay’addaha Ammaanka in Xaafaddaha Muqdisho lagu soo celiyo Ciidankii Booliska ahaa ee ku sugnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com