Ugaaska B/Xawaadle oo go’aan cad kasoo saaray Shirka ka socda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka dhacay shir gaar ah oo ay wada qaaten Odayaasha Gobolka Hiiraan gaar ahaan garabka mucaaradka ku ah dowlada Somalia.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Odayaal iyo duubab farabadan ayaa waxa ay kasoo saaren go’aan ay ku qaadacayaan shirka Madasha wadatashiga Qaran ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan waxaa ka hadlay Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo Duubab kale oo sheegay inaysan jirin cid u meteleysa shirka Madasha ee Muqdisho kasocda, isla markaana aanay quseynin wixii ka soo baxa.

Ugaaska Beesha Xawaadle waxa uu sheegay in kulankaasi uu lamid yahay mid aan saameyn laheyn wixii kasoo baxana aysan waxba dhaamin kulamadii hore, sidaa darteedna aanu khuseyn wixii shirkaasi kasoo baxa.

Waxa uu tilmaamay in wax waliba oo kasoo baxa shirkaasi aan looga dhaqmi doonin magaalada Beledweyne iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan, waxa uuna Ugaaska Beesha Xawaadle cadeeyay in talada Gobolka Hiiraan aysan ka go’in dowlada Somalia iyo Madasha Qaranka, balse uu yahay mid ka go’a odayaasha Hiiraan.

Odayaasha Gobolka Hiiraan ee uu horkacaayay Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa noqonaaya Odayaashii ugu horeeyay ee qaadaca shirka Madasha iyo Go’aanka kasoo bixi doona.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa aad looga aaminsan yahay talooyinka Odayaasha dhaqanka waxaana sidoo kale aan halkaasi ka shaqeyn amarka iyo tallada dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com