Sawirro: Shil diyaaradeed oo goor dhow ka dhacay garoonka Dubai

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya dalka isutaga imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in halkaasi uu kadhacay shil diyaaradeed.

Diyaarada shilka gashay ayaa burburtay kadib markii ay si degdeg ah u fariistay garoonka caalamiga ah ee Dubai.

Shilka kadib ayaa waxaa diyaaradihii ka caga dhigan lahaa Garoonka Dubai loo weeciyay Garoonka Al- Maktuum isla magaaladaasi.

Saraakiisha Garoonka uu shilka ka dhacay ayaa sheegay in Talaabadaasi ay ka dambeysay kadib markii laga baqay in Garoonka Dubai uu ka dhaco shil kale sidaana ay Garoonka Al- Maktuum ugu weeciyeen duulimaadyadii ka bixi lahaa Garoonka Dubai.

Saraakiishu waxa ay sidoo kale xaqiijiyen in dadkii la socday diyaarada si nabadgelyo ah looga badbaadiyay shilka diyaarada, mana jirto cid wax ku noqotay shilka.

Saraakiishu waxa ay intaa raaciyeen in rakaabka saarnaa diyaarada ay tirro ahaan ahaayen 275, waxa ayna xiliga shilka ay galeysay kasoo ambabaxday dalka India.
shil 1

shil 2

shil 3

shil 4

shil 5

shil 6