Xog: Beesha caalamka oo isku qilaafsan goobta lagu qabanayo…

Muqdisho (Caasimada Online)-Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, ayaa la soo warinayaa inay isku khilaafsan yihiin halka lagu qaban doono doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia.

Qaar kamid ah Wakiilada ayaa soo jeediyay in doorashada lagu qabto Garoonka Aadan Cadde oo ka amaan badan goobaha kale.

Qaarkoow ayaa soo jeediyay inay adag tahay in Garoonka lagu qabto, waxa ayna sheegen in doorashada ay munaasib ku tahay inay ka dhacdo Madaxtooyada Somalia ama Xarunta ay ku shiraan Baarlamaanka Somalia oo ku filnaan karta dhammaan kuwa codeynaaya iyo kuwa loo codeynaayo.

Qaarka ugu badan ayaa qaba in doorashada loo daayo Garoonka Aadan Cadde oo ay ku adag tahay maleeshiyada inay weeraraan.

Waxa ay kala xulanayaan in doorashada ay ka dhici doonto Garoonka Aadan Cadde, Madaxtooyada Somalia ama Xarunta ay ku shiraan Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo ah seddexda goobood ee xiligaani ugu munaasabsan inay ka dhacdo doorashada marka loo eego amniga.

Dowlada Somalia ayaa dhankeeda ka go’aamisay in doorashada ay ka dhici doonta Garoonka Aadan Cadde, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay Madaxtooyada Somalia arrinkaasi kala hadli doonto wakiilada Beesha Caalamka si loo sii diyaariyo goobta lagu dooran doono Madaxweynaha Somalia.

Dowlada Somalia ayaan awood u laheyn inay ku dhaqaaqdo talaabo aan lala socodsiin wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, kuwaasi oo gacanta ku haya Siyaasada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com