Sawirro: Xasan oo cadeeyay cidda maamulka dalka gacanta ugu jiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaaladda Muqdisho shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirkan Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ajandeyaasha looga hadlaayo ka mid ah, Go’aan ka gaarida doorashooyinka 2016, Howlgelinta guddiyadda doorashooyinka 2016, Amniga guud ee qaranka Soomaaliya iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay furitaanka shirka madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa sheegay in tallada Somalia ay ku jirto gacmaha Soomaaliyeed, isla markaana dalka uusan gacanta ugu jirin cid aanan Soomaali aheyn.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada sida ay uga go’an tahay in dadka iyo dalkaba ay horray u soocdaan.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya , Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in gabagabada shirkan Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ka soo bixi doonaan go’aanadii lagu hergelin lahaa doorashadda 2016.

–DHAMMAAD–
IB0A2492

IB0A2489

IB0A2478

IB0A2472

IB0A2475