Shir habeenkii labaad ka socda Xarunta Villa Somalia + Qorshaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Habeenkii labaad Madaxtooyada Somalia ka socda shir u dhexeeya Madaxda DFS iyo kuwa Maamul Goboleedka dalka kuwaasi oo magaalada Muqdisho uu uga socdo shir looga hadlaayo Hanaanka doorasho ee dalka Somalia.

Shirka caawa ka socda Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa lagu gorfeynayaa sida maalinta barri ah xal looga gaari lahaa shirka Madasha Qaranka, waxa ayna Madaxda dalka Caawa isla eegayaan suuragalnimada qodobo lagu heshiiyay oo caawa lagu gaaro shirka socda si maalinta barri ah go’aan mideysan loo soo saaro.

Shirka Caawa ka socda Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa lagu diyaarinayaa qodobada la filaayo in maalinta Barri ah laga soo saaro shirka waxaana la soo sheegayaa inuu jiro muran yar oo ka taagan xiliga doorashada.

Xubnaha Madasha Qaran ayaa muranka ugu badan ka keenay suuragalnimada dib u dhac ku imaada doorashada dalka, waxaana jira warar sheegaya in Madaxdaasi ay caawa isla eegayaan warqado Guddiga Doorashooyinka ay qeybiyeen.

Sidoo kale, waxaa suuragal ah in shirka Madasha Qaran uu dhaafo laba maalin, waxaana leysku mari la’ yahay qodobka xiliga doorashada oo ay isku khilaafsan yihiin Madaxda DF iyo kuwa maamulada dalka ee xubnaha ka ah shirka madasha Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Somalia , mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in gabagabada shirkan Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ka soo bixi doonaan go’aanadii lagu hergelin lahaa doorashadda 2016.

Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa horey waxa ay ugu heshiiyeen in ay qabsoonto Doorashada sanadkan xilligeeda, dowladdana wax muddo kordhin ah aan loo sameyn doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com