Sheeko yaab leh: Boorsaani oo dhaliilay wax qabad la’aantiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa ka hadlay qaabka loo sugaayo amniga magaalada Muqdisho iyo Jilicsanaanta amni ee iminka ka jirta dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Boorsaani waxa uu sheegay in amniga dalka uu yahay mid aan sugneyn islamarkaana ay muuqato dhaliilo farabadan oo cadeyn u ah in amni jilicsan uu dalka ka jiro, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Boorsaani waxa uu cod dheer ku sheegay in amniga magaalada Muqdisho uu yahay mid aan ku socon wadadii saxda aheyd ee loogu tallo galay waxa uuna qiray in amniga Muqdisho uu yahay mid fashil ku jira.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa ”Ammaanka sidii la rabay maaha, waxaad mooddaa inuu jilicsan yahay. Feejignaan badan ayaan muuqan taasi ayaa ah dhaliisha ugu weyn ee aan la qarinkarin”.

”Waxaan la hadlayaa askarta wadooyinka taagan iyaga waxay leeyihiin dareen ka duwan midka shacabka, waxaa laga rabaa in markasta uu dareenkoodu sareeyo, waayo waxa ay dareemi karaan cida gacanta kula jirta amni darada dalka iyo gaadiidka weerarka fulinkara”

”Ciidamada ilaalada ka ah wadooyinka ujeedka aan baraha cayiman u geynay waa in baabuurta si fiican u baaraan oo ay kontoroolaan baabuurta waxa saaran. Waajibaad ayaa ka saaran inay ammaanka xaqiijiyaan.”

Boorsaani waxa uu sheegay in dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah isla markaana aysan aqbali karin in amniga magaalada Muqdisho uu ahaado mid aan fadhin.

Si kastaba ha ahaatee, Haddalka Boorsaani ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho ay ka dhaceen weeraro loo adeegsaday gaadiid miineysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com