Dowladda UK oo war culus ka soo saartay doorashada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ingiriiska ayaa noqotay dowladii ugu horeysay oo walaac ka muujisay dib u dhac ku yimaada doorashada bil kadib la filayo iney ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Tobais EllWood oo Tallaadadii kulan la qaatay madaxda dalka Soomaaliya ayaa kulankaasi kadib wareysi uu bixiyay wuxuu sheegay in dowlada UK ay aad kaga walaacsan tahay in doorashada madaxtinimada dalka ku dhici weyso waqtigii loo qorsheeyay.

Kadib Wareysi uu siiyay Idaacadda Goobjoog oo kamid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku sheegay iney walaac badan muujinayaan, wuxuuna ka digay in dib u dhac uu ku yimaado doorashada sanadkaan.

Wakiilka UK ee Africa Mr Ellwood, ayaa sheegay in madaxdii uu la kulmay ee dowlada Soomaaliya uu u sheegay in dowlada UK ay la socoto xaalada dalka Soomaaliya, dhankoodana ay ku mashquulsan yihiin fulinta balamihii horey loo galay.

UK ayuu sheegay iney ka mid tahay wadamada ku jira golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, islamarkaana ay doonayaan ka dhabeynta balamihii horey loo galay, balse aan la aqbaleyn dib u dhac doorashada ku yimaada,

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasiamda@live.com