Xog: Dekeda ugu weyn qaarada Africa oo Muqdisho laga dhisayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay iney waddo qorshe lagu dhisayo dekada ugu weyn qaarada Africa taasi oo laga hergelinayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wasiirka dib u dhiska iyo howlaha guud ee xukuumada Soomaaliya Eng Saalax Sheikh Cismaan Muuse ayaa sheegay iney qorsheynayaan in magaalada Muqdisho laga furo dekada ugu weyn ee Qaarada Africa.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshahaasi uu yahay mid ay ka faa’ideysan doonaan dadweyne badan oo Soomaaliyeed haddii laga hergeliyaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dhaqaalaha lagu dhisayo dekada magaalada Muqdisho ayuu sheegay iney bixin doonaan hayado badan oo caalami ah iyo Bangiga Africa.

Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib u dhiska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ay bilowdeen dhismaha wadooyinka bur bursan ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com