Daawo sawirrada ciidanka sugi doona amniga doorashada 2016

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ugandha ayaa ciidamo Boolis ah usoo dirtay magaalada Muqdisho kuwaasi oo ku biiri doona ciidamada dalkaasi kasoo jeeda ee qaabka howlgal u jooga dalka Somalia.

Ciidamadaani ayaa waxaa soo dhaweyn kadib loo gudbiyay Xarunta Taliska AMISOM ee Xalane, halkasi oo lagu siin doono Jadwalka saxda ah oo ay ku howlgali doonaan.

Ciidamadaani cusub ee Booliska ah ayaa waxaa lagu bedeli doonaa ciidamo kale oo Boolis ah kana howlgala magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

Christine Alalo oo ah haweeneyda Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska AMISOM, ayaa sheegtay in ciidamadaani ay bedeli doonaan kuwo kale, waxa ayna intaa ku dartay inay qeyb ka noqon doonaan ciidamada AMISOM ee loo diyaarinaayo xaqiijinta Goobaha ay ka dhici doonaan doorashada.

Christine Alalo, waxa ay sheegtay in ciidamada AMISOM ay xooga saari doonaan xaqiijinta goobaha doorashooyinka, Amniga guud ee magaalada Muqdisho iyo inay laba jibaaraan wada shaqeynta kala dhexeysa ciidamada dowlada Somalia.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
AMISOM 1

AMISOM 2

AMISOM 3

AMISOM 4

AMISOM 5

AMISOM 6

AMISOM 7

AMISOM 8

AMISOM 9

AMISOM 10