Cidda talada kala wareegi lahayd Xasan oo lasoo jeediyey (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Salaad Cali Jeelle oo kamid ah Siyaasiyiinta sida ba’an kaga soo horjeeda dowlada Somalia ayaa si adag uga hadlay suuragalnimada in dib u dhac uu ku imaado doorashadala filaayo inay ka dhacdo dalka Somalia.

Salaad Cali waxa uu sheegay in suuragal aysan aheyn in doorasho xiligeeda lagu ballamar dib loo dhigo, waxa uuna soo jeediyay in haddii ay dhacdo dib u dhac Talada dalka si KMG ah loogu sii wareejiyo Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta dalka.

Salaad waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in Heshiis horay u dhacay dib looga baxo, waxa uuna talaabo aad u xun ku sheegay qaabka iminka ay u socto Siyaasada Somalia.

”Waa arrin aad looga haboon yahay in Guddiga doorashooyinka loo xilsaaray ay meel lasoo fadhiistaan ma garankarno xiliga ay doorashada dhici doonto waayo waxa ay ka turjumeysaa mas’uuli darida heysata xubnaha guddiga”

Salaad Cali Jeele waxa uu sheegay in ku tala galka ay aheyd in 20-ka Bishaan August la dhaariyo Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia balse hadda taasi aysan muuqan.

”Aniga waxaan ku talinayaa inaan la baalmarin heshiiskii hore haddii ay dhacdo in Madaxweynaha dalka uu wakhtiga ka dhaco aan lagu fiirsan oo tallada dalka si KMG ah loogu sii dhiibo odayaasha ama cida ku xigi karta ee sharciga uu dhigaayo inuu noqdo Madaxweyne KMG ah”

Haddalka Salaad Cali Jeele waxa uu imaanayaa iyadoo Guddiga Hir gelinta Doorashooyinka dadban dhawaan ku dhawaaqay in aysan shaacin karin xilliga doorashada Soomaaliya balse ay dib ka sheegi doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com