Dalalka Yurub oo arrin yaab leh ka damacsan Erdogan iyo Turkey

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka socta Yurub ayaa lagu wadaa in markii ugu horeeyay ay booqasho ku gaari doonaan magaallada Ankara ee dalka Turkiga.

Mas’uuliyiintaani oo ay hoggaamin doonaan Xubno xilal kala duwan ka haya Midowga Yurub kuwaasi oo booqan doona dalka Turkiga si ay ula socdaan xaalada dadkii loo xiray tuhunka Afganbigii fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga.

Xubnaha gaari doona magaalada Ankara ayaa waxaa qeyb ka noqon doona xubno ku shaqo leh Xuquuqda Aadamiga kuwaasi oo dowlada Turkiga ku dhaliilay qaabka ay ula dhaqmayaan tuhmanayaasha dowlada Turkiga ugu jira xabsiyada waaweyn.

Midowga Yurub waxa uu dhaliil ka qabaa qaabka ay dowlada Erdogan ula dhaqmeyso Maxaabiista ku jirta Xabsiyada ee u xiran tuhunka afganbiga.

Thorbjorn Jagland oo ah Xoghayaha guud ee golaha Yurub oo isagu mas’uul ka ah ilaalinta ku dhaqanka xeerarka xuquuqda aadanaha ee waddammada xubnaha ka ah qaaradda Yurub, ayaa ku baaqay in si degan loola socdo waxa ka socda dalka Turkiga tan iyo markii uu fashilmay Afganbiga.

Midowga Yurub ayaa qaba in Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan uu ka cadgoosanaayo kuwa Mucaaradka ee ku dhiiraday inay tallada dalka kala wareegan Madaxweynahaasi.

Thorbjorn Jagland, waxa uu sheegay in marka hore ay dhageysan doonaan cabashooyinka dowladda Turkigu ay u soo jeedin doonto la tuhmayaasha iyo sida ay u aragto Yurub iyo Maraykanku inay si xoog leh u taageeri waayeen.

Ma jirin saraakiil sare oo kale oo xagga siyaasadda ka socda oo Turkiga booqday tan iyo markii afgembigu dhicisoobay.

Saddex wafdi oo baarlamaanka Turkiga ka socday ayaa loo kala diray London, Brussels iyo Washington si ay kiiska dowladdooda ugu bandhigaan.

Turkiga waxa uu dowlada Maraykanka ku cadaadinayaa in loo soo gacan geliyo wadaadka daaciga islaamiga ah ee Fethullah Gulen, oo dowaldda Turkigu ay ku eedeynayso inuu soo maleegay afgembiga.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa maalin ka hor sheegay in cadowga koowaad ee dalka Turkiga yihiin dowladaha Reer galbeedka ee sida xoogan kaga soo horjeeda dalalka Muslimka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com