Xog: Arrin xasaasi ah oo kusoo korortay kiiska badda SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa QM u gudbisay codsi ah inay calaamadeyso xuduud badeedka u dhexeeya dowladaha Somalia iyo Kenya.

Warqad codsi ah oo Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya Githu Muigai u gudbiyay QM ayaa waxa uu ku codsaday in la dhameystiro muranka Badda Somalia si uu yiri ay uga faa’iideystaan kheyraadka ku jira badooda.

Warqada uu qoray Xeer ilaaliyaha waxa uu ku sheegay in dowlada Kenya ay muxtaad u tahay inay hesho xuquuqdeeda ku aadan Badda Somalia, waxa uuna codsigaani gudbiyay xili uu ku sugnaa magaalada New York.

Waxa uu sheegay in Kheyraadka Badda Kenya aysan ka faa’iideysan karin iyada oo aan go’aan laga gaarin muran badeedka taagan waxa uuna dalbaday in lasoo gunaanudo muranka sababay in Kenya ay ka faa’iideysan weyso hantida ku jirta Badeeda.

Nuqul kamid ah codsiga uu gudbiyay Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya Githu Muigai ayaa ahaa ”Wey nagu adag tahay inaan baalmarno muranka taagan waayo Kenya kama maaranto kheyraadka badda waxaa Badda nooga socda howl, waxa ayna bilaabaneysaa goorta ay QM kusoo jeesato calaameynta”

Si kastaba ha ahaatee, Codsigaani waxa uu kusoo beegmayaa xili dhawaan dowladaha Somalia iyo Kenya ay Maxkamad Caddaalada u gudbiyeen dacwad ku aadan muran Badeedka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com