Somaliland oo garoomadeeda ka mamnuucday baasaboorka…

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Xafiisyada Taliyaha laanta socdaalka Somaliland, Jeneraal Maxamed Cismaan Caalin (Dayib), iyo Agaasimaha arrimaha gudaha maamulka Somaliland Cabdifataax Siciid Maxamed, ayaa waxaa lagu mamnuucay isticmaalka Baasaboorka Somalia.

Shir Jaraa’id oo ay wada qabteen labadaasi Mas’uul ayaa waxa ay ku sheegen in Garoomada maamulka aan looga dhoofi karin Baasaboorada Soomaaliga ee sida qarsoodiga ah loogu samayn jiray gudaha maamulka Somaliland.

Labada Mas’uul waxa ay Shirkooda Jaraa’id ku sheegen in sidoo kale, aan Baasaboorkaasi lagu soo gali karin Somaliland waxa ayna ku goodiyeen in ciqaab uu muteysan doono cidii Baasaboorkaasi kaga dhoofto kagana soo degto Garoomada Somaliland.

Waxa ay sheegen in iminka ay gacanta ku dhigeen inta badan qalabkii lagu samayn jirey Baasaboorada Somalia.

”Waxa aan cadeynaynaa in aan Somaliland lagu soo gali karin loogana bixikarin Baasaboorka Somalia”ayuu yiri Agaasimaha Arrimaha Gudaha Cabdifataax Siciid.

“Waxaa kale oo aan halkan ka shaacinayaa in qeyb badan oo ka mid ah qalabka lagu sameeyo Baasabooradaasi aanu gacanta ku soo dhigney walina waan ku daba jirnaa kuwa kale”

Maamulka Somaliland ayaa goor sii horeysay ku fashilmay diidmada Baasaboorka Somalia, waxa uuna go’aankaani imaanayaa xili dhawaan isbedel lagu sameeyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com