Sawirro: Maxaa ka cusub xaalka caafimaad ee C/kariin Guuleed?

Muqdisho (Caasimada online) – Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa qaliin dhanka wadnaha ay loogu sameeyay dalka India, waxaana xalay uu casho sharaf u sameeyay dhaqtarkii qaliinka ku sameeyay.

C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ugu mahadcelinayo dadkii ka qeyb qaatay qaliinka lagu sameeyay iyo dhamaan Ummada Soomaaliyeed ee u duceysay.

Qoraalkiisa ayuu ku sheegay in hadda xaaladiisa caafimaad ay tahay mid wanaagsan oo aysan jirin dhibaato heysata.

“Marka hore waxaan guud ahaan shacabka weynaha soomaaliyeed gaar ahaanna shacabka reer Galmudug ugu bishaareynayaa in Alaah mahddii xaaladeyda Caafimaad ay aad u wanaagsan tahay Waxaan mahadnaq u jeedin lahaa intii ii soo duceysay iga murugootay waxayna u dareensiisay sida shacabka tixgalinta iyo qadarinta la ii hayo”ayuu yiri Mr Guuleed.

 

 guled-dhaqtar guled-dhaqtar2 guled-dhaqtar4 guled-dhaqtar5