Xog: Afeey oo ku guuldareystay badalida go’aanka Xawaadle iyo…

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dhawaan magaaladaasi uu dib kaga furmayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaasi oo muddo badan hakad ku jiray.

Wararka la xiriira shirka ayaa sheegaya in maalinta Isniinta ee Todobaadka soo socdo shirkaasi uu ka furmayo magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana socda diyaar garowga loogu jiro in shirkaasi uu ka furmo magaalada.

Wararka aan heleyno ayaa shegaya in todobaad gudahiisa magaalada Jowhar uu tagi  doono wasiirka arimaha gudaha ee xukuumada SOomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa si uu shirkaasi kaga soo furo magaalada Jowhar.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dowlada Soomaaliya ay qaadatay go’aan lagu dadajinayo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana la doonayaa in dhawaan shirkaasi laga furaa magaalada Jowhar.

Xogahaya kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in Urur goboleedka IGAD uu ku fashilmay dadaaladii uu waday, maadaama odayaasha dhaqanka ee Xawaadle ee ku sugan Beledweyne ay diideen iney tagaan magaalada Jowhar.

Maxamed Cabdi Afeey, ayaa doonayay inuu beesha Xawaadle ku qanciyo ka qeyb galka shirka magaalada Jowhar, waxaana marar badan uu tagay magaalada Beledweyne, balse ma aysan u noqon siduu rabay.

Dhinaca kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ee Xawaadle loogu baaqay iney ka qeyb galaan shirka dib kaga furmaya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com