Gaas: Dad baa igu yiri waxaad dooneysaa kursiga Xssan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaanahani ay soo baxayeen warar sheegaya in Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas uu yahay musharax qarsoon oo u hanqaltaagaya ka qeybgalka doorashada Somalia, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay C/wali Gaas.

Madaxweyne Gaas oo wareysi gaar ah siinaayay taleefishinka HCTV, ayaa sheegay in marka hore uu yahay mid ku qanacsan xilka uu iminka u hayo shacabka Puntland waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya inuu yahay musharax u hanqaltaagaya inuu noqdo Madaxweynaha Somalia misna ka qeybqaato doorashada fooda nagu soo heysa.

Gaas waxa uu sheegay in Puntland uusan meel uga socon inta uu ka dhameysanaayo wakhtiga yar ee u harsan waxa uuna sidoo kale sheegay in wax kororsi ay ku waajibtay goortii uu wakhtigiisa dhameysto, balse uu iminka diyaar u aheyn inuu isku sharaxo Madaxtinimada Somalia.

Gaas waxa uu sheegay inuu sii joogayo Puntland ilaa uu ka dhammaanayo xilka uu hayo ee ku eg 2019, waxa uuna carab dhabay keliya inuu doonaayo Somalia oo sharciga looga dhaqmaayo.

”Anigu musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Somalia maahi,dadka Puntland waxay ii doorteen inan xilkan hayo ilaa 2019, waxaan doonayaa inaan dhameysto inta iiga harsan xilka aan hayo”

Mar wax laga weydiiyay suuragalnimada haddii uu ku fakarayo inuu ka qeybqaato doorashada la filaayo in Somalia ay ka dhacdo sanadda 2020, ayaa waxa uu C/wali Gaas sheegay inuu dhicikaro isbedel hayeeshee uusan ka hor dhicikarin damiciisa siyaasadeed.

”Waxbaa isbedeli doona xaalka sidaan masii ahaan doono aniguna kama hordhici karo sida uu hamigeynu noqon doono inaan ka qeybqaadan doono doorashada 2020 iyo in kale”

C/wali Gaas waxa uu sidoo kale, sheegay in wakhtiga harsan uusan uga qeybqaadan karin doorashada Somalia, waxa uuna iska fogeeyay wararka sheegaya inuu yahay musharax.

Mar wax laga weydiiyay suuragalnimada in dib u dhac uu ku imaado doorashada dalka ayaa waxa uu sheegay in arrintaasi ay tahay mid walaac gaar ah ku heysa waxa uuna tilmaamay in taasi dhici karto, balse aysan u muuqan waqti kale oo ay ku darsaneyso dowladda hadda jirta.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka shaqeeyan midnimada iyo isku duubnida waxa uuna ka digay in la dayaco xasiloonida.

Haddalka C/wali Gaas ayaa kusoo beegmaaya xili inta badan la hadal hayo in C/wali Gaas uu aad kaga soo horjeedo wakhti kororsiga dowlada hadda jirta taasi oo ugu wacan inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Somalia

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com