Keating oo dowladda Somalia ku sifeeyay arrin yaab leh (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online)-Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michel Keating, ayaa mar kale ka hadlay wararka sheegaya in dowlada Somalia ay dooneyso inay ku dhaqaaqdo dib u dhiga doorashada la filaayo in Somalia ay ka dhacdo.

Michel Keating, waxa uu sheegay in mowqifka Beesha Caalamka uu yahay mid aan wali is bedelin waxa uuna carab dhabay in marnaba aysan qaadan doonin in wakhtiga doorashada ay dib u dhacdo.

Keating waxa uu tilmaamay in Beesha Caalamka ay dowlada Somalia ka aamini doonaan mid aan horusocod laheyn waa haddii ay ku dhiirato dib u dhiga doorashada.
Waxa uu cadeeyay in dib u dhac lagu sameeyaa doorashada dalka ay horseedi karto fashil iyo macag xumi soo foodsaartay dowlada uu hoggaaminaayo Madaxweyne Xassan Sheekh.

”Arragtida Beesha caalamka wey ka fogtahay tan Soomaalida waayo waxaan dul taaganahay go’aankii aan horay ku heshiinay mana qaadan doono in heshiis dhacay dib loo burburiyo”

Michel Keating, waxa uu dowlada Somalia ee hadda jirta ku sifeeyay inay tahay mid Somalia u horseedeysa dib u dhac, waxa uuna meesha ka saaray in dowladaani xitaa haddii wakhtiga loo kordhiyo la imaankarto waxqabad.

Michel Keating, ayaa laba maalin un ka hor cadeeyay in doorashada Somalia aan laga dib dhigi karin xiligeeda waxa uuna iminka mar kale sheegay in mowqifka uu wali yahay mid halkiisa taagan.

Haddalka Keating, waxa uu imaanayaa iyadoo Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada ay horey ugu heshiiyeen in ay qabsoonto Doorashada sanadkan xilligeeda, dowladdana wax muddo kordhin ah aan loo sameyn doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com